Weriye C/risaaq Jaamac Cilmi (Black) oo in muddo ah ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho ayaa maanta u dhoofay dalka India
oo caafimaad ahaan loogu qaaday kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu ugu dambeyn fuliyay balanqaadkiisi ahaa inuu xaalada caafimaad ee Weriye Black wax ka qaban doono.
Xaflad kooban oo macsalaameyn ah ayaa xalay Weriye Black loogu sameeyay MadaxtooyadA Villa Somalia, iyadoo ay sagootiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xaaskiis Qamar Cumar Cali.
Weriyeyaasha Soomaalida ayaa u ololeeyay in wax laga qabto xaalada caafimaad ee weriye Black oo dhaawac ka soo gaaray weerar lagu qaaday uu keenay in dhowr jeer qalliin lagu sameeyo, kuwaasoo aan lagu guuleysan, xaaladiisa caafimaadna ay ka sii darto.
DAAWO SAWIRRO
Sawirrada: Abwaan Guure
Goobjooge.com