Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta akhriyay wareegto uu sheegay inay ka soo baxday madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku magacaabay, laba taliye xigeen oo ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu yeelan doono. Wareegtada oo Taliyuhu ka akhriyay munaasabad lagu sagootinayay ciidamo ka trisan Booliska AMISOM oo ka yimid dalka Burundi. Waxay ahayd sida hoos ku qoran:
[spacer color=”8BC234″ icon=”fa-signal” style=”2″]
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya,
Markii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya,
Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “B” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay sharci Lambar 2 ee soo baxay 23/12/1973 kuna saabsan dhismaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Markuu tixgeliyay soo jeedinta ee Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo N0,-keedu yahay XRW00325 ee soo baxday 12/07/2015 kuna saabsaneyd soo jeedinta magacaabista taliye ku-xigeenka koowaad iyo taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Markuu uu garwaaqsaday baahida loo qabo in la magacaabo taliye xigeenka koowaad iyo taliye xigeenka labaad ee ciidanka booliska, waxa uu Madaxweynuhu soo saaray xeerkan:
Qodobka koowaad laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo xeerkan, waana saxiixanyahay waxaa Sareeye guuto Mukhtaar Xuseen Afrax loo magacaabay in uu noqdo Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, sidoo kale Sareeyo guuto Bashiir Cabdi Maxamed waxaa loo magacaabay in uu noqdo taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed”.
Jagooyinkan waxaa laga sugayay madaxweynaha inuu soo buuxiyo tan iyo intii uu geeriyooday taliyihii hore ee ciidamada Booliska General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil 30 Oktoobar 2014. Ilaa xilligaasi ma suuragelin in taliye xigeeno cusub loo magacaabo ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo taliye xigeenkii uu hore Gen. Cusmaan Cumar Weheliye(Gasgas) uu shan bilood ka badan iska ahaa ku sime taliye. Tani waxay muujineysaa xaaladda hogaamineed ee madaxweynaha iyo sida aanay daacad uga ahayn in xilalka qaran la buuxiyo siiba kuwooda baahida badan loo qabo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]