Khilaafka siyaasadeed ee dhex yaala madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saameyn weyn ku yeeshay shirka maamul u sameynta Gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ee ka socda magaalada Baydhaba, kadib markii Ra’iisal wasaaraha uu hakiyay shirkaasi, kuna amray wasiirada iyo guddiga shirka wado ay tagaan Muqdisho, balse arrintaasi waxaa si weyn uga horjeeda madaxweynaha oo doonaya in shirkaasi degdeg loo dhameystiro lana doorto madaxweyne maamulka saddexda Gobol yeesho kaasoo ah: SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN oo haatan ku sugan magaalada Baydhaba.

Wararka ay Goobjooge.com ka heleyso madaxtooyada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha oo safar ku maqan uu si toos ah xiriir ula leeyahay xubnaha ku sugan magaalda Baydhaba ee wasiirada iyo xildhibaanada isugu jira isagoo ku adkeeyay inaan shirka la hakin isla markaana la dedejiyo doorashada madaxweynaha.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare C/weli iyo Guddoomiye jawaari ayaa ujeedkooda ugu weyni yahay inuu shirku jiitamo, wadahadalkuna socdo inta xal kale laga helayo iyagoo ku doodaya in la qanciyo dadka diidan shirka, taasoo ay ku doonayaan inay uga hortagaan qorshaha madaxweynaha iyo Shariif Xasan ee ah in lagu kala baxo dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Xeeldheerayaal badan ayaa ka digaya in shirka Baydhaba uu keeni karo dagaal ak dhaca degaankaasi sidii maamulkii Kismaayo, iyadoo ay diidan yihiin xubno badan oo Guddoomiye Jawaari horseed u yahay, kasokow kooxdii kale ee diidaneyd saddexda Gobol ee uu hogaaminayay Madoobe Nuunow.
Goobjooge.com
London
[ad name=”HTML”]