Sunday, July 13, 2025

Madaxweynaha oo bilaabay ololaha ridista Ra’iisal Wasaaraha & Xukuumadiisa

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degdeg u bilaabay olole xilka looga qaadayo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Maxamed iyo xukuumadiisa isagoo si cad ugu sheegay xubno xildhibaanno ah oo uu la kulmay inay ka go’an tahay ridista xukuumadda C/weli oo aanay suuragal ahayn inay sii shaqeyso.

Madaxweynaha ayaa ololihiisa ka bilaabay xildhibaannda beesha uu ka soo jeedo oo ku kala qeybsan taageerada madaxweynaha iyo ololihiisa cusub, iyagoo ka tabanaya arrimo badan oo uu hore wax uga qaban waayay. Madaxweynaha ayaa dadaal aan yareyn bilaabay isagoo sidii caadada u ahayd marka uu xaaladan galo ku dhaqaaqa howl aan caadi ahayn sida inuu xildhibaannada oo toos ula xiriiro ama si kala gaara ula kulmo kuna qanciyo inay dagaalka la galaan.

Ololaha madaxweynaha oo durba xowli ku socda ayaan la ogeyn guusha uu markan gaari karo Madaxweynaha inkastoo uu heysto kharash iyo balanqaad xil oo ah labada awood ee uu isticmalo xilliyadan oo kale.

Goobjooge Info

Muqdisho

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON