Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha oo isagoon magacaabin lagu hor dhaariyay Taliyeyaasha cusub ee Asluubta & Booliska

Madaxweynaha dowladda  Federaalka SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey taliyeyaasha cusub ee  dhowaan ay magacaabeen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo kala ah: Taliyaha ciidammada Asluubta iyo Booliska Gen. Bashiir Maxamed Jaamac iyo Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

taliyeyaal

Waxaa taliyeyaasha dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee  Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf. Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa u hambalyeeyay taliyeyaasha cusub, wuxuuna kula  kula dardaarmay inay sii xoojiyaan howshii ay qabteen taliyeyaashii ka horeeyay. Munaasabadda dhaarinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ,Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, saraakiil  kale.

dhaarin

Dhaarintan ayaa imaaneysa iyadoo aan la shaacin wax magacaabid ah oo madaxweynaha Soomaaliya ku magacaabayo taliyeyaashan, iyadoo Golaha wasiirada ay leeyihiin soo jeedin, madaxweynahana looga fadhiyay inuu wareegto  ku magacaabo taliyeyaasha. Tani waxay muujineysaa sida sharci darrada ah ee madaxda sare ee dalku ku socdaan. Halkii laga sugayay wareegto madaxweynuhu soo saaro si ay arrintan sharci u noqoto ayuu xafladii dhaarinta ka sheegay inuu ku raacay golaha wasiirada.

Hoos ka akhri qormo ay Goobjooge.com ka diyaarisay magacaabidii golaha wasiirada ee taliyeyaasha ciidamada dalka qaarkood.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON