Saturday, June 28, 2025

Madaxweynaha oo laalay shirkii wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumada

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo kale oo muujineysa inuusan raali ka ahayn  sii shaqeynta xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisal wasaare C/weli Sheekh kadib markii uu baajiyay shir lagu saxiixi lahaa wadashaqeynta xukuumadda iyo Baarlamaanka ee kalfadhiga Afraad.

Shirkan oo lagu waday in lagu saxiixo qorshe howleed (Road Map) caddeyn lahaa sharciyada muhiimka ah ee degdegta looga doonayo inuu Baarlamaanku ansixiyo si dalka loo gaarsiiyo maamulka dowladda loona dhiso maamulada Gobolada iyo xaqiijinta Federaalka ayaa lagu kala dareeray markii daqiiqadihii ugu danbeeyay uu ka cudurdaartay madaxweynaha, sabab lagu sheegay inuu xanuunsan yahay.

Shirkan wuxuu ka dhici lahaa Villa Somalia maqribnimadii Talaadadii 28 Oktobar, waxaana soo wada xaadiray dhammaan xubnihii lagu casuumay oo ay ka mid ahaayeen ergeyga Q/Midoobay, safiirada shisheeye ee Muqdisho ku sugan, golayaasha xukuumadda iyo Baarlamaanka oo ay hogaaminayaan Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Maqnaanshaha madaxweynaha ayay shaki badan ka muujiyeen dad badan oo u aaneynaya inay sabab u tahay khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha uu doonayo inuu xilka ka qaado, shirka kaliya ee kulmiyay labada mas’uul wuxuu ahaa shirkii ay la qaateen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo u muuqday mid ay ku qasbanaayeen inay ka wada muuqdaan.

Goobjooge Info

Muqdisho Somalia

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON