Sunday, June 29, 2025

Madaxweynaha oo Muqdisho ku soo laabtay iyo Ra’iisal wasaaraha oo safar ah (Madax wada hayaan ah!)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka qeybgalay shirkii MUSTAQBALKA MASAR ee dhaqaalaha loogu ururinayay  dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalkaasi, iyadoo socdaalka madaxweynaha ee ugu danbeeyay su’aalo badan ka dhasheen danta Soomaaliya ugu jirta marka laga reebo qaabilaad iyo is-aragyo uu la yeeshay madaxdii shirkaasi ka soo qeyb gashay.

safar-socdal

[ad name=”HTML-2″]

Akhri qormooyinka safarka madaxweynaha ee Masar ku saabsan ee Goobjooge.com

  1. Muxuu Madaxweynaha Soomaaliya ka doonay Shirka Dhaqaalaha Sharma-sheekh (Su’aalaha socdaalka Madaxweynaha)

  2. Qosol iyo qaraaxo ka dhashay Xasan Sheekh oo khalday magaca madaxweynaha Masar

Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga dareemay in madaxweynuhu imaanayo kadib markii loo xiray waddada madaxtooyada hormarta. Kadib imaanshaha madaxweynaha waxaa lagu wadaa inuu Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Cumar C/rashiid isagana safar ugu anbabaxo dalka Qatar, iyadoo uu laf ahaantiisa Muqdisho ku sugan yahay muddo saddex maalmood ah oo kaliya kadib socdaallo uu ku tegay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

[ad name=”HTML-3″]

Socdaalka Ra’iisal wasaaraha ee dalka Qatar ayaa la sheegay inuu xigi doono safar kale oo uu ku tegi doono dalka Mareykanka oo uu hore Safiir uga ahaa Soomaaliya inta aan loo dhiibin xilka Ra’iisal wasaaraha. Safarka xiga ee Ra’iisal wasaaraha ayaa la saadaalinayaa inuu kusoo beegmi doono socdaal kale oo madaxweyne Xasan Sheekh dib ugu laaban doono dalka Masar si uu uga qeygalo shir madaxeedka hogaamiyeyaasha dalalka Jaamacadda Carabta oo 28-ka Bishan ka dhici doono isla magaalada SharmaSheekh ee xeebta Badda Cas ku taalla.

Safarrada madaxda dowladda Federaalka  ee aan saldhigga lahayn waxay waxqabadka dowladda ka dhigeen kuwo gaabinaya markii xilalkii ugu muhiimsanaa ay kusimeyaal aan go’aano gaari karin la wareegaan xilliyad safarka madaxda kale. Go’aanada waaweyn ee dowladda qaadato ayaa soo baxa iyadoo madaxdu safar ku jirto oo telefoon ay ku hagaan howsha kuna bixiyaan amarro waaweyn oo saameyn ku yeelanaya dalka.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON