Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo muddooyinkan danbe uu xarun ka dhigtay, wuxuuna sheegay in socdaalkiisa dalka Kenya uu ku saabsan yahay sidii uu uga soo qeybgeli lahaa shirar muhiim ah, intooda badan looga hadlayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.
“Deeq-bixiyayaasha iyo hay’addaha caalamiga ah ayaanu shir kula leenahay magaalada Nayroobi , waxaana rajeynayaaa in shirarkaasi ku soo dhammaadaan si guul ah ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo lagu sii sagootiyay garoonka Gaalkacyo.
Safarrada C/weli Gaas ee Nairobi ayaa iska soo daba dhaca mar waliba, wuxuuna ku sheegaa inay yihiin kuwo uu Puntland dhaqaale ugu raadinayo, waxaan safarkiisii hore aan la shaacin wax kasoo baxay kadib markii uu booqasho toddobaad ah ku joogay magaalada Nairobi.
Goobjooge.com