Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay kulano xiriir ah oo muddo laba maalmood ah u socday, iyagoo la sheegay inay ka wada hadlayeen arrimaha hiigsiga cusub ee horyaala dowladda Federaalka oo sanad qura uga haray xilka iyo sidii ay qorshe mideysan u yeelan lahaayeen.
Qodobka ugu weyn ee labada mas’uul miiska u saarnaa ayaa ahaa isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada si meesha looga saaro wasiirada caqabadda ku ah rabitaanka madaxda sare isla markaana lagu bedelo xubno u dhow madaxweynaha.
Arrinta isku shaandheynta oo maalmihii ugu danbeeyay madax xanuun ku riday xubnaha golaha wasiirada oo qaar kamida suuqa la soo geliyay in xilka laga qaadayo ayaa la sheegay inay dib u dhigeen labada mas’uul oo isla gartay inaan xilligan lagu degdegin isku shaandheynta, laakiin waqti kooban dib loo dhigo.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo ku saabsan hiigsiga cusub iyo sidii loo wajihi lahaa maamulada Puntland iyo Jubba oo khilaaf kala dhaxeeyo dowladda Federaalka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]