Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Somalia oo saxiixay sharciga ka hortagga maalgelinta argagixisada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in sharcigan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dalka, kaasi oo ay meel mariyeen Goloyaasha Wasiirada iyo baarlamaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sharciga ka hortaga lacag dhaqidda (dhaqidda lacagaha been abuur ah ee doolarka) iyo maalgelinta Argagixisada ee uu Madaxweynuhu saxiixay waxa uu awood siinayaa bankiga dhexe ee dowladda, si ay u qaabeeyaan hanaanka maaliyeed ee dalka iyo la socodka dhaq dhaqaaqa maaliyeed ee dalka.

Shaqada uu bankiga qabanayo waxaa ka mid ah

In la hubiyo qofka lacagta soo diraya, si loo hubiyo cidda ay ku socoto lacagta, haddii uu shaki yimaado.

In la hubiyo wixii shaki gala iyo qaabka looga soo warbixiyo

In macluumaadka u qofka soo gudbiyo ee arrimaha lacagta ku saabsan la ogaado iyo

In uu sameeyo xarun loogu warbixiyo arrimaha dhaqaalaha

Bankiga dhexe waxa uu wadayaa dadaallada ku aadan hay’adaha dhanka dhaqaalaha ee dowladda iyo lana xoojiyo xirirada u bankiga la leeyahay hay’adaha kale ee dunida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON