Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shaly socdaal kooban ku tagey Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, ayaa sheegay in degmadasi ay ahayd xarunta ay Al-shabaab ka soo abaabuli jireen qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho e meelo kale oo dalka ka mida.

“Shabaab waqtigiisi waa dhammaaday, mana soo noqon doono, waxaa mahadaas iska leh Ilaahay aan uga mahadcelineynaa, ka dib waxaan u mahad celineynaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ” Ayuu madaxweynuhu ka sheegay meel fagaare ah oo uu dadweyne kula hadlay.
“Meeshaan Diinsoor sida ay Shabaab xarun ugu ahayd, ma ahayn Diinsoor oo keliya degaankan iyo dalka intiisa badanaa meeshaan yaa laga maamuli jiray. Xitaa qaraxyada Xamar ka dhacay intaa laga soo abaabuli jiray qaarkood.” Ayuu shaaciyay Madaxweynaha oo dadka reer Diinsoor u sheegay inay kala shaqaynayan arrimaha amniga, horumarka deegaanka, tacliinta iyo caafimaadka.
Socdaalka Madaxweynaha waxaa ku wehliyay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay Baydhaba iska raaceen wafdiga.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]