Friday, June 27, 2025

Madaxweynaha Somaliya wafdi culus u diray Magaalada Jowhar & Doorashadii oo hakad gashay

Xubno ka kooban mas’uuliyii ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta gaaray magaalda Jowhar.

Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  iyo taliyihii hore ee Nabadsugidda ayaa tegay magaalada Jowhar ee uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Jowhar03

Wafdiga oo la sheegay inuu halkaasi u diray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa hogaaminaya Wasiiru dowlaha Maaliyadda C/llaahi Maxamed Nuur, waxaana ka mida Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo C/raxmaan Tuuryare.

Xubnahan oo miisaan ku leh gobolka, marka laga reebo Tuuryare oo gacanyare u ah Xasan Sheekh, ahna la-taliyaha wasiirka Amniga ayaa ujeedkoodu yahay inay ku biiraan waanwaan ka socota magaalada Jowhar oo lagu xalinayo cabashooyin ka yimid musharixiinta madaxweyne ku xigeenka iyo qas ka dhashay arrintaasi.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu waday inay Beri ka dhacdo magaalada Jowhar.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON