Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, siiba arrimaha ammanka, doorka AMISOM iyo arrimaha gurmadka abaaraha ee Soomaaliya.
Moussa Faki oo dhowaan xilka loo doortay ayaa Soomaaliya u doortay inay noqoto mid ka mida meelaha ugu horeeya ee uu booqdo, waxaana ka howlgala ciidamo raacsan Midowga Afrika oo dagaal kula jira kooxda Alshabab.
Wadahadalka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Midowga Afrika ayaa noqon doona kuwa adag iyadoo qaab cusub dib loogu habeynayo howgalka 10 sano jirsaday ee Midowga Afrika ka wado Soomaaliya.
Dowladda cusub ee madaxweyne Farmaajo ay dhowaan qorshe u dhigay AMISOM isagoo doonaya in muddo laba sano gudahood ah looga takhaluso awoodda Alshabaab.
Goobjooge.com