Saturday, June 28, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Baydhaba u tegay dhibaato ka taagan xulista Baarlamaanka K/Galbeed

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tegay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo ay halkaasi ka socoto soo xulista xildhibaanada uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

sharif-xasan

Waxaa lagu wadaa inuu madaxweynaha xogogaal u noqdo xaaladda xulista baarlamaanka degaankaasi oo meel xasaasi ah maraya, iyadoo odayaasha dhaqanka degaankaasi ay soo xulayaan xildhiaanada balse weli la isku heysto. Shariif Xasan iyo odayaasha Koonfur Galbeed ayaa isku heysta xubnaha la soo xulayo iyadoo Shariif Xasan doonaya xubno isaga dib u doorta oo raali ka yahay.

Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa qabanqaabada soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha iyadoo dadweyne kala duwan isugu soo baxeen wadooyinka si ay u soo dhaweeyaan  madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa la filayaa  inuu magaalada Baydhabo kula yeesho madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan iyo odayaasha soo xulaya Baarlamaanka maamulkaasi. Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhaba ku sugan wafdi ka socda IGAD oo ay ka mid yihin Maxamed Cabdi Afey iyo Gen. Gabre.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON