Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu magaalada Muqdisho ka socdaali doono, safar aan hore loo shaacin oo uu ku tegayo Qaarada Yurub.
Socdaalka madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku tegi doono dalka Jarmalka, iyadoo socdaalkiisu la xiriiro arrimo caafimaad, waxaana la ogyahay inuu madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii hore isla bishan oo kale arrimo caafimaad u tegay dalka Jarmalka.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu socdaalkiisa Jarmalka kadib tago dalal kale oo Yurub ah, halkaasoo uu socdaalo shaqo iyo kulamo jaaliyadaha dalalkaasi ee Soomaaliya uu kula yeelan doono.
Saxaafadda qaarkeed ayaa xilligaasi faafisay arrimo fara badan oo ku saabsan xaalada caafimaadka madaxweynaha, wararkaas oo caadiyan soo baxa mar kasta oo arrimo caafimaad la sheego. Waxaa dhinaca kale la xusuustaa in socdaalkiisi ugu horeeyay ee caafimaad ee dalka Turkiga laga faafiyay war ku saabsanaa inuu geeriyooday.
Goobjooge.com