Saturday, July 5, 2025

DAAWO: Madaxweynaha Soomaaliya oo tababar u soo xiray ciidamo cusub oo ay tababartay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadii saddexaad ee ciidamada isku dhafka Soomaaliyeed ee ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta oo tababar ku qaatay dugsiga tababarka ciidamada Muqdisho ee dowladda Imaaraadka Carabtu maamusho.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay xafladii xiritaanka ayaa uga mahad celiyay Imaaraadka Carabta taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in dalkan aanu ammaan laga heli doonin iyadoo aan la helin ciidamo qaran oo Soomaaliyeed oo la dagaalama Alshabab oo ku xiran Alqaacida, wuxuuna caddeeyay in dowladiisa ay dadaal ugu jirto dhismaha ciidamada qaran.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa isna  xaflada ka sheegay in Imaaraadka Carabta ay taageero  isugu jirta mid bani’aadamnimo, horumarin iyo milateri u fidinayaan Soomaaliya, wuxuuna askarta la tababaray oo ah dufcadii saddexaad ku sheegay inay kaalin ka qaadan karaan sugidda ammaanka Soomaaliya.

Waxaa xaflada ku sugnaa Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo isna ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay xeritaanka xafladda ciidamada ka qalin jebiyay tababarka ciidanka.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON