Friday, June 27, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo war ka soo saaray weerarkii Alshabaab ku qaaday ciidamada Kenya & tacsi uu diray

Madaxweynaha: “Falalka fuleynimada ah ee kooxda Al Shabaab ma hakin doonaan hawlgallada milateri ee dalka looga sifeynayo argagixisada”

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey weerarka ay maanta kooxda Al Shabaab ku beegsatey ciidammada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in falkaasi fuleynimada ah aanu marnaba hakin doonin hawlagallada dalka looga sifeynayo Al Shabaab.

“Waxaan tacsi dirayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, shacabka iyo ehaladii ay ka baxeen geesiyaashii naftooda ku waayey iyagoo gudanayaa hawl ay nabad uga dhalinayaan Soomaaliya. Soomaaliya waxay si buuxda ula shaqeyneysa Kenya iyo dalalka kale ee ka tirsan AMISOM, dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo aan ku rajo weynahay in bilaha soo socda la soo afjari doono. In xididdada loo siibo kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya Soomaalya ,waxay gacan weyn ka geysan doontaa nabadgelyada gobolka iyo tan caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidammada AMISOM, uu hadafkooda koowaad yahay in argagixisada naf la caariga ah laga sifeeyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON