Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo ku dhawaaqay olole loogu gurmanayo Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqay olole loogu gurmanayo dhowr dal oo abaaro ba’an ay ku dhufteen, isla markaana xaalad ba’an ka taagan tahay.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa ku dhawaaqay ololaha oo lacag loogu ururinayo  dalalka Bariga Afrika iyo Yeman, isagoo sheegay in xaalad halis ah ay dallaaaasi ka jirto.

Dadka Turkiga ayaa loogu baaqay inay taageeradooda ku shubaan xisaabaad ay furay hay’adda Bisha Cas ee Turkiga. Madaxweyne Ordogan wuxuu sheegay inaysan indhaha ka qarsan karin xaaladda adag ee ka taagan dalalka Bariga Afrika.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dadkiisa ugu baaqay inay taageero dhaqaale bixiyaan si loo saacido dadka abaaraha ku hayaan Bariga Afrika ee Somalia, Ethiopia, Kenya and South Sudan, iyo Yemen oo macaluul  halis ugu jira.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON