Tuesday, July 15, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo lagu dhawaaqay inuu booqan doono Magaalad Muqdisho

Wararka laga helayo Turkiga ayaa sheegaya in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu socdaal kale ku imaanayo magaalada Muqdisho.

Booqashada Madaxweynaha Turkiga ee Muqisho ayaa lagu wadaa inuu dhaco isha April ee soo socota, iyadoo uu xariga ka jari doono saldhigga milateri ee  Turkiga ka dhisay Muqdisho, kaasoo lagu tababarri doono ciidamada Soomaalida.

Akhri: Warbixinta Saldhigga Turkiga ee Muqdisho

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa la sheegay inuu socdaalkiisa Muqdisho ku wehlin doono taliyaha guud ee ciidamada Turkiga Gen. Hulusi Aka.

Soomaaliya ayaa xilligan ay ka jirtaa abaar darran oo dhalisay macaluul ku baahday degaanada Soomaalida, waxaana Turkigu ka mid yahay dalalka ugu waaweyn ee kaalmeynaya dadka Soomaalida.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON