Madaxweynah Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyey war farxad leh oo ku saabsan dagaalka Azerbaijan iyo Armenia, kadib telefoon oo kula soo hadlay Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev.
“Waxaan kusii dhowaaneynaa Guul, waxaa la xoreeyay dagaanno badan oo ay heysatay Armenia, waxaana la xoreynd oona Karabakh-da Sare..” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo caddeeyay in Azerbaijan ay dhowaan dhammeystiri doonto xoreynta degaannada ka maqan.
Isagoo khudbad u jeedinayey xubnaha Xisbigiisa AK Party ee Gobolka Kahramanmaras ee Koonfurta Turkiga ayuu Madaxweynaha Turkiga sheegay inuu ku faraxsan yahay in warka uu Telefoonka ugu sheegay madaxweynaha Azerbaijani Ilham Aliyev.
Turkiga ayaa si buuxda u taageersan dalka Azerbaijan oo dagaal kula jirta Armenia si ay uga xoreyso Gobolka Armenia ka heysato ee Negorno-Karabakh oo 20% ka ah dhulka Armenia. Turkia wuxuu u diray Azerbaijan diyaaradha Drone-ka ee dagaalka, khubaro iyo saanad culus.
Madaxweynaha Azerbaijan ayaa maanta shaaciyey in ciidamada dalkiisa ay xoreeyeen 16 magaalo iyo Tuulo oo ka mida dhulka ka maqnaa ee Karabakh, isla markaana ay qasaare
