Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Uganda oo farriin gaara u soo diray Madaxweynaha Somaliya

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal qoraal ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Yoweri Kaguta Museveni, kadib markii uu xarunta madaxtooyada ku qaabilay ergay gaara oo madaxweynaha Uganda soo diray.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Fariinta gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda u soo diray dhigiisa Soomaaliya ku saabsan tahay xiriirka labada dal, arrimaha dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, iyo doorashadooyinka soo socda ee ka dhici doona Soomaaliya aakhirka sanadkan.

Uganda ayaa dhowaan shaacisay inay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, iyadoo ku dhaliishay dowladda Soomaaliya inaysan jirin qorshe lagu dhisayo ciidamada Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON