Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Musaveni oo ka mid ahaa madaxdii Muqdisho uga qeyb galay shir madaxeedkii taariikhiga ahaa ee IGAD aya waqti gaara la qaatay ciidamada dalkiisa ee ku sugan Muqdisho.
Musaveni oo Muqdisho ku haray, kuna hoyday habeen ayaa khudbad u jeediyay ciidama Uganda isagoo sheegay inay Alshabaab la dagaalamayeen ilaa sanadkii 2011, ayna Muqdisho ka saareen kooxdaasi.
Wuxuu ku ammaanay ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya doorka weyn ee ay ka qaateen nabadeynta Soomaaliya oo miraheedii laga arkay inay Soomaaliya marti gelisay shirkii IGAD.
DAAWO SAWIRRO