Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha & Xoghayaha Guud ee IGAD oo ka hadlay Shir Madaxeedka IGAD ee Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay wafdi uu horkacayo Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Eng. Maxbuub Macallin.

Kulankan ayaa waxaa looga hadley qabanqaabada Shir Madaxeedka wadammadda IGAD ee bisha soo socota lagu qaban doono magaalada Muqdisho, arrimaha amniga, siyaasadda, dhismaha maamulka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha ee hay’adaha caalamiga iyo IGAD ka fulinayaan Soomaaliya iyo iskaashiga arrimaha horumarinta ee labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa wafdiga uga warbixiyey xaaladda dalka, diyaar garowga Shir Madaxeedka IGAD, horumarka dhinaca siyaasadda iyo amniga ee lagu tallaabsadey iyo qabanqaabada doorashada 2016.

Labada dhinac ayaa isku afgartey dhammaan qodobadii ay ka wadahadleen, iyadoo Xoghayaha Guud ee IGAD Eng. Maxbuub uu sheegay inay IGAD si buuxda u taageereyso Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada muhiimka u ah xilliga kala guurka.

unnamed (1) unnamed

———————DHAMMAAD-——————-

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON