Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynayaasha maamulada dalka oo shirka Madasha u tegaya Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo fool leh madaxweynayaasha maamulada dalka oo shir madaxeedkii Madasha Qaran uga furmi doono magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha la sugayo waxaa ka mida Madaxweynaha Puntland, Galmudug, K/Galbeed iyo Jubbaland oo ay isugu danbeysay shirkii Muqdisho ee uu ka baxay C/weli Gaas isagoo qaadacsan qaabka doorashada 4.5.

Shirka Madasha Wadatashiga ee berito furmi doonta ayaa la sheegau inuu yahay shir xasaasi ah oo looga hadli doono qaabka loo qabanayo doorashada kadib ogolaanshihii Puntland ee qaabka doorashada, iyadoo ay arrintaasi tahay arrimo farsamo oo ku haboon guddi, laakin ka mid ahayd heshiiskii Garowe.

 

Shirka Madasha ee Axadda Muqdisho ka furmaya ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid kamida kuwii ugu adkaa ee madaxda dalka isugu yimaadaan iyadoo mas;uul waliba doonayo inuu awood badan ku yeesho doorashada aakhirka  sanadkan lagu wado inay dhacdo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON