Friday, June 27, 2025

Madaxweynayaasha maamulada Soomaaliya oo maanta tegaya magaalada Muqdisho

Hogaamiyeyaasha maamulada dalka ka jira ayaa ,agaalada Muqdisho tegaya iyadoo shir wadatashi ah uga furmi doono berito maalinta Axadda ah madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamulada dalka ka jira.

madaxda_dalka2

Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa durhurnimada lagu wadaa inuu ka dego garoonka diyaaradaha Muqdishi, iyadoo sidoo kale madaxweynaha Puntland AC/weli Gaas uu isna isla xiligaasi ku beegan yahay. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa isna laga sugayaa inay isla maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Shirkan oo noqon doona midkii ugu adkaa ee dhex mara dowladda federaalka iyo maamulada dalka ka jira ayaa ujeedka u weyni yahay inay isla gartaan qaabka looga gudbayo xilliga kala guurka ah, isla markaana dowladii bedeli lahayd tan hadda jirta. Nooca doorashada dalka ka dhici doonta iyo qorshaha lagu gaarayo.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa ka qeyb galaya shirkan waxaana casbi laga qabaa in madaxda Soomaalida ay ku kala aragti duwanaadaan ama ku kala qeybsamaan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON