Afgembigii ka dhacay dalka Suudaan Khamiistii 11-ka April 2019 wuxuu soo gabagabeeyay xukuntii 30-ka sano soo jiray ee Madaxweyne Jeneraal Cumar Xasan Albashiir oo laf ahaantiisa inqilaab aan dhiig ku daadan ku qabsaday dalkaasi.
Madaxweyne ku xigeenkii iyo wasiirkii Gaashaandhigga dalkaasi Cawad Bin Cawf ayaa akhriyey bayaanka koowaad ee ay ciidamada Suudaan talada dalkaasi kula wareegeen, wuxuuna sheegay in madaxweynihii la xiray meel amni ahna ku sugan yahay, iyadoo la dhisay Gole Mileri oo dalka xukuni doona muddo 2 sano ah.
Jen. Bin Cawf wuxuu ahaa nin darajooyin kala duwan kasoo qabtay ciidamada Suudaan, isagoo howlgab noqdayna waxaa dib u soo celiyey madaxweyne Albashiir oo u arkay ninka uu isku aamini karo, wuxuuna u magacaabay wasiirka Gaashaandhigga iyo ku xigeenkiisa.
Bin Cawf ayaa xalay loo dhaariyey madaxa Golaha milateriga ee la wareegay xukunta dalka Suudaan, taasoo dad badan soo xusuusisay inqilaabkii uu wasiirka Gaashaandhigga Masar ku sameeyay madaxweynihiisii magacaabay ee Maxamed Mursi oo weli xabsi ku jira.

Farqiga u dhaxeeya labada inqilaab ee Masar iyo Suudaan ayaa ah in Masara talada laga tuuray madaxweynihii ugu horeeyay dalkaasi ee si xor ah dadka u soo doortaan, halka Suudaan xilka lagala wareegay jeneraal isaguba afgembi ku yimid.
Inkastoo dadka reer Suudaan intooda badan ka hor yimaadeen in ciiiamadu ay xukunta la wareegaan oo muddo 2 sano ah ay isku koobaan, ayna weli socdaan bannaanbaxyadii looga horjeeday ayaa haddana Suudaan waxay taariikh dheer u leedahay inqilaabyada milateri.
Jeneraal Cawad Bin Cawf waa askari dhashay sanadklii 1950; Wuxuuna ka baxay Kulliyada Ciidamada, isagoo kadibna tababar milatari loogu diray dalka Masar oo uu ku takhasusay madaafiicda goobta, wuxuuna kadib macallin ka noqday kulliyadda layliga saraakiisha dalka Suudaan.

Bin Cawf wuxuu noqday taliyaha sirdoonka milatariga iyo ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida ee Suudaan; wuxuu shaqada ka fariistay sanadkii 2010; kadibna waxaa loo magacaabay safiir ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda, isgoo noqday agaasimaha waaxda xallinta khilaafaadka. Muddo kadib waxaa loo magacaabay Qusulka guud ee safaaradda Sudan ee Qaahira, wuxuuna markii danbe u wareegay dalka Cumaan oo uu ka noqday safiir.
Madaxweyne Albashiir ayaa 2015 u magacaabay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, waxaana la ogyahay in ciidamada Suudaan uu gaarsiiyey awood sare markii uu ku qalabeeyay hub casri ah, iyadoo helay sawaariiq iyo gawaarida gaashaaman.
Madaxweynaha cusub ee Suudaan Cawad Bin Cawf wuxuu weli ku jiraa liiska shaqsiyaadka iyo saraakiisha Suudaan ee xayiraadda saaran tahay , loona heyso dembiyo dagaal oo ka dhacay Daarfuur.