Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa xukun degdeg ah ku soo rogtay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo uu is casilay madaxweynihii maamulkaasi Cabdi Maxamuud Cumar.
Arrintan ayaa timid waanwaan ka dhex socotay labada oo ugu danbeyn Cali Iley lagu qanciyey inuu xilka ka dego, waxaana madaxweynaha cusub ee maamulka Soomaalida Itoobiya loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed oo hore u ahaa Wasiirkii maaliyada maamulka DDSI.
Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in madaxweyanaha xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar oo caafimaadkiisa wanaagsan yahay uuna badqabo, wuxuuna intaasi ku daray in Cabdi Maxamuud Cumar oo weli yahay madaxa Xisbiga ka arrimiyo dowlada deegaanka soomaalida ee Itoobiya.
Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Axmed Shide ayaa warbaahinta Itoobiya uga dhawaaqay n deegaanka Somaida Itoobiya lagu soo rogay xukunka degdega ah, waxaana ciidamada milateriga Itoobiya oo si weyn u hubeysan ay la wareegeen magaalooyinka maamulkaasi.