Madaxweynaha Rajeb Tayyip Erdogan ayaa dalbday in guud ahaan la qaato xayiraadda Saudiga iyo dalalka Khaliijka ku soo rogeen dalka Qatar.
Isagoo ka hadalayay xaflad afur ah oo xubnaha xisbigiisa AK party ka qeyb galeen ayuu sheegay in Sacuudiga looga baahan yahay walaalnimo iyo inay ka shaqeyso midnimada muslimiinta ayna ku sifowdo inay tahay dalka ugu weyn Khaliijka carabta.
Erdogan wuxuu sheegay inaysan go’doominka Qatar xal u noqon karin khilaafaadka jira, wuxuuna ku dhaartay inuu wax waliba u sameyn doono si uu meesha uga saaro xiisada Khaliijka ka taagan.
“Dhabarka uma jeedin doono walaalaheed Qatar, waxaan codsi gaara u dirayaa maamulayaasha Sacuudiga, waxaan leeyahay waxaad tihiin dalka ugu weyn uguna awood badan Khaliijka, waxaan idinkugu yeernaa u adeegayaasha Xarameynka, waa la idinka rabaa inaan walaalnimo ku shaqeysaan, ee aadan ka shaqeyn caddownimo, waa inaad ka shaqeysaan inaan walaalaha isu keentaan, sidaan ayaan ka fileynaa Sacudiga, u adeegayaasha labada Xaram..” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.
Goobjooge