Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaaj oo Ciidul Fitriga la qaatay Ciidamo ku jira Xero ku taalla Muqdisho.. (Sawirro)

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta munaasabadda Ciidul fitriga la qaatay qaar ka mida Ciidamada Milateriga ee ku jira Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan.

Madaxweynaha ayaa salaadii ciida kadib goob fagaare ah kula hadlay Ciidamada, isagoo ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciiddaa, wuxuuna xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. “Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa madaxweynah wehliyey Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo mas’uuliyiin kale.

WARARKII UGU DANBEEYAY

TOOSHKA GOOBJOOGEXOGAHA
LAGUU SOO XULAY