Tuesday, June 24, 2025
HomeSomaliMadaxweyne Farmaajo: "2-dii sano waxaan saxiixay 2 sharci, waxaan Baarlamanka horyaala 29...

Madaxweyne Farmaajo: “2-dii sano waxaan saxiixay 2 sharci, waxaan Baarlamanka horyaala 29 sharci..”

-

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga ayaa tilmaamay in labadii sano ee lasoo dhaafay uu saxiixay labo sharci oo kaliya, loogana baahan yahay Golaha Shacabka in ay dardargeliyaan ansixinta handi-sharciyeedyada oo wali horyaalla Labada Aqal oo gaaray 29 kuwaas oo ahmiyad weyn u leh shaqada Xukuumadda.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladdiisu had iyo jeer u taagan tahay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya la leedahay waddamada derisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, sabarkana badiyaan, isla markaasna meel looga soo wada jeesto Al Shabaab oo aanay marnaba qalbi-jebin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faahfaahiyay isbeddellada la taaban karo ee ay dowladdu ku samaysay laamaha ammaanka dalka sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka, isaga oo ku bogaadiyay Xukuumadda dadaallada lagu diiwaangelinayo ciidanka isla markaana dib loogu habaynayo hannaanka saadka iyo mushaar bixinta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

“Waxaan qorshaynay inaan isbeddello la taaban karo iyo dib-u-habayn ku samayno laamaha ammaanka ee dalka. Waxaan bilownay diiwaangelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo intii horey loo diiwaan geliyey ay mashaaraadkooda si toos ah ugu helaan koontooyinkooda. Waxaan sidoo kale socota in la dhammaystiro inta harsan si ay ayaguna xuquuqdooda si toos ah ugu helaan.”

Madaxweyne Farmaajo

 
Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdiisu ay dadaal badan gelisay koboca dhaqaalaha dalka wuxuuna hoosta ka xarriiqay in dowladdu ka gudubtey shuruudihii Hay’adda IMF ee asaaska u ahaa deyn cafiska Soomaaliya, dakhligii dalkana ay ku korodhay 30% marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyay.

Madaxweynaha oo ka hadlaya wadahadallada Somaliland ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka reer Somaliland isla markaana doonayso inay ka miradhaliso wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Image may contain: one or more people, people sitting, crowd and indoor
Image may contain: 2 people, people standing and suit
Image may contain: one or more people, people sitting, crowd and indoor
Image may contain: 1 person