Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Guddiyada Dastuurka shaqadii wanaagsaneyd ee seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ay ka soo qabteen qabya-tirka Dastuurka iyo heerka wanaagsan ee ay soo gaarsiiyeen.
Guddiyada dib u eegista Dastuurka ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dhammeystirka Dastuurka iyo guulaha ay ka gaareen. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka guddoomay Hey’adaha qaabilsan Dastuurka nuqul dhammeystiran oo ku saabsan qodobbadii dib-u-eegista ay ku sameeyeen iyo habraacii lagu shaqayn lahaa.
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee Guddiyada Dastuurka la yeeshaan Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Guddiga La-Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan labada Guddi.




