Friday, June 27, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo amray in degdeg dibadda loogu qaado dhaawaca shaqaale ka tirsan Universal TV

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in dibadda loo qaado sawir qaade ka tirsanaa telefishanka Universal oo maanta gaari uu saarnaa lagu qarxiyay magaalada Muqdisho.

Kulan dhex maray Madaxweynaha iyo milkiilaha TV-ga Universal Eng. Axmed Abuubakar iyo ayaa arrintan lagu go;aaniyay kadib markii la sheegay in dhaawaca farsamayaqaan iyo sawir qaade C/xamiid Maxamed Karazay uu yahay mid culus.

Deeqda caafimaad ee madaxweyne Farmaajo u fidiyay  mid ka mida shaqaalaha warbaahinta Muqdisho ka howl gasha ayaa noqonaya kii labaad ee noociis ah iyadoo dhowaan madaxtooyadu suuragelisay in dibadda loo qaado caruur ku dhaawacantay hoobiyeyaal ku soo dhacay gurigooda maalintii caleemo saarkiisa.

Wararka ayaa sheegay in dalka Masar loo qaadi doono dhaawac C/xmaniid Karzay. Waxaa jira dad shacab ah oo dhaawacyo culus kasoo gaareen qarxii suuqa Kaawo Godey, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho oo aan iyagu fursad dibadeed helin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON