Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kormeeray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Kulliyadda Tababarka Militariga Kabamba ee dalka Uganda.
Saraakiishan uu tababarku uga socdo xarunta Kabamba oo ku taalla bartamaha Uganda ayaa tiradoodu ku dhawdahay 100, waxaana la filayaa in ay bartamaha sanadkan dib ugu soo laabtaan dalka si ay uga qayb qaataan dhismaha iyo tababarrada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo dhiirrigelin u sameeyay saraakiishan ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso sidii saraakiishan iyo kuwa lamidka ah ee tababarrada ku maqan ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Argagixisada ah.






