Madaxweyne Farmaajo oo caawa ka degay magaalada Cammaan ee dalka Jordan [Sawirro]

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa ka degay Garoonka diyaaradaha magaalada Cammaan ee dalka Jordan, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo  oo wafdiga Soomaaliya u metelaya shirka 28-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalka Jordan Dr. Mamduuc Alcabaadi iyo madax ka tirsan dalkaasi.

Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa beri ka furmaya Badda dhimatay ee dalka Jordan, iyadoo looga hadlayo xaaladaha ka taagan dalalka Carabta, waana markii ugu horeysay ee madaxweyne Farmaajo ka qeyb galo shirkan.

SAWIRRO

Goobjooge.com