Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyay Shir ka dhacay Xarunta Jaamacadda Gaheyr [Sawirro]

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday xarunta jaamcadda Gaheyr ee magaalada Muqdisho oo dhowaan ay ka baxeen ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha ayaa waxaa wehliyay guddoomiyaha Jaamacadda iyo Guddiga sare ee Jaamacadda umadda oo shir ku yeeshay xarunta jaamacadda Gaheyr oo ka mid ahayd xarumaha jaamacadda umadda.

“Dib-u-hawlgalinta Xarunta Gaheyr waxaa ka faa’iideysanaya kun arday oo lacag la’aan ku dhiganaya tobanka kulliyadood ee Jaamacadda Umadda” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo sheegay inuu shir guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Jaamacadda Umadda oo ka dhacay Xarunta Gaheyr.

DAAWO SAWIRRO