Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tegay deegaannadii dhowaan laga saaray Alshabaab ee Sabiid ee duleedka Afgooye, Gobolka Sh/Hoose.
Madaxweynaha oo diyaarad Helikoptar ay halakasi ku dejisay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab si looga xoreeyo dhammaan deegaannada ay ku sugan yihiin, wuxuuna Ciidamada Qalabka Sida ku bogaadiyey guullaha ay ka soo hoyeen Alshabaab.
“Hambalyo ayaan idin leeyahay inaad ka adkaateen cadawgii ummadda Soomaaliyeed oo ay idiin babac dhigi waayeen. Waxaa loo baahan yahay sidii aad magaalooyinkan uga erideen, Sabiib iyo Caanoole, oo aad uga adkaateen inaad u difaacataan, shacabka magaaladan deggan oo ay muddo gumeysi ku hayeenna inaad ka difaacdaan.” ayuu yiri Madaxweyne farmaajo sida ay faafisay Madaxtooyada.
SAWIRRO







