Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Faramaajo ayaa ka baaqsaday ka qeybgalka shirkii ugu horeeyay ee caalami ah intii xilka loo doortay.
Shirkan ayaa ahaa mid a leeyihiin madaxda dalalka loogu magacdaray Indian Ocean Rim Association (IORA) ee dhaca Badweynta India, iyadoo shir-madaxeedkan looga hadlayay Amniga Badweynta India.
Shirkan oo ka dhacay magaalada Jakarta ee dalka Indonesia 5-7 Maarso 2017 wuxuu Madaxweyne Farmaajo u diray Ra’iisal wasaare ku xigeenka xilka sii haya Maxamed Cumar Carte iyo wafdi uu hogaamaaminayo oo Soomaaliya u metelay shirka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hore ololaha doorashada ugu galay inuu joojinayo safarradda macne-darrada ah ee ee madaxda dowladda ay dibaddaha ku tagaan iyo shirarka fara badan ee ay ka qeyb galaan.
Casuumad kale ayaa hortaalla madaxweyne Farmaajo oo aakhirka Bishan laga sugayo inuu tago magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu ka dhacayo shir madaxeed dalalka IGAD ka yeelanayaan arrimaha Qaxootiga.
Madaxweynaha Kenya ayaa ku casuumay dhigiisa Soomaaliya  inuu shirkaasi ka qeyb galo iyadoo ay adag tahay inuu ka baaqsado shirkaasi oo hadda ay ka harsan tahay 12 maalmood, waxaase la arki doonaa tallaabada uu qaado.
Goobjooge.com