Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhex dhacay loolan u dhaxeeya 5 dal oo ku tartamaya Soomaliya [FAALLO)

FAALLADDA GOOBJOOGE.COM

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhex jiro loolankii ugu weynaa ee u dhaxeeya dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Tartankan oo si xoog leh u socda ayuu Farmaajo dareemay saacado kadib markii la doortay, waxaana ugu weyn shan dal oo isku heysta in mid waliba uu noqdo kan saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee la soo xiriiray madaxweyne Farmaajo, waxaana Muqdisho isla arrintaasi ugu sugnaa safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle, wuxuuna xiriirkaas keenay inuu boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis telefoon kula soo hadlo Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa durba ku saamoobay yabooha iyo haddallada Boqorka Sacuudiga isagoo ka dhigi doona dalka ugu horeeya ee uu booqan doona, safarkaas oo cumro loogu magac daray waxaa ku dhex jira la-kulanka Boqorka Sacuudiga oo laga filayo taageero dhaqaale iyo kaalmo uu ka geysto abaaraha.

Itoobiya oo ka mida dalalka ugu waaweyn ee saameynta ku leh Soomaaliya, isla markaana ku fashilantay ololihii ay u galeen in dib loo doorto Xasan Sheekh waxay ka gaabsatay madaxweynaha cusub iyadoo dusha kala socota dhaqdhaqaaqiisa. Waxay shaki weyn ka qabtaa madaxweynaha lagu doortay naceybka Itoobiya iyadoo u muuqata inay taageeradeeda u weecin doona maamul goboleadyada.

Masar ayaa si aan hore loo arag ugu soo degdegtay xiriirka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxayna noqotay dowladda kaliya ee wafdi gaara u soo dirtay Muqdisho si ay ula kulmaan Farmaajo. Madaxeyne C/fataax Siisii ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ka dhex arkay fursad uu cadaadis ku saari karo Itoobiya oo ay isku hayaan biyo xireenka weyn ee itoobiya ku leexsatay biyihii webiga Nile.

Turkiga ayaa si taxadir leh uga fiirsanaya siyaasadda madaxweynaha cusub, mana jirin xamaasad weyn oo ay u muujiyeen doorashadii Farmaajo inkastoo safiirkooda Muqdisho uu la kulmay Madaxweynaha, isla markaana madaxweyne Ordogan xiriir telefoon lasoo sameeyay madaxweynaha cusub, haddana Turkigu ma jecleyn isbedel keena in masaalixdiisa Geeska Afrika shaki geliso.

Imaaraadka Carabta ayaa ah salka ugu weyn ee madax xanuunka ku haya madaxweyne Farmaajo. Heshiiskii saldhigga milateri looga siiyay magaalada Berbera iyo galaangalka ay ku leedahay maamulada dalka waxay Farmaajo ku keeni kartaa in la naafeeyo awoooda dowladiisa, waxaana laga dareemay inaysan taageero badan u heynin madaxweynaha cusub.

Socdaalka madaxweynaha Farmaajo toddobaadka danbe ku aadayo Boqortooyada Sacuudiga waa mid tusaale u ah sida ay u adag tahay siyaasadda arrimaha dibadda ee ku xeeran Soomaaliya iyo loolanka dalalka daneeya arrimaheed oo u baahan in lagu maareeyo miisaan iyo xikmad, taasoo la’aanteed Soomaaliya ka dhigi karta dal dano shisheeye ku dhex luma.

Goobjooge.com 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON