Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay qaar ka mida Milkiilayaasha Warbaahinta Muqdisho [Sawirro]

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshaay xalay xubno ka tirsan milkiilayaasha saxaafadda ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen gacan-yareyaasha madaxweynaha ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah, waxaana ujeedkiisu ahaa wadashaqeyn dhex marta dowladda Farmaajo iyo saxaafadda Muqdisho.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii madaxtooyada ay qadatay tallaabo ka careysiiyay saxafiyiinta oo ay ka mid yihiin inaan looga yeerin dhacdooyinka madaxtooyada oo xilli dambe loo soo diro muuqaalo iyo qoraalo diyaarsan.

Xubnaha la kulmay madaxweynaha waxaa ka dhex muuqday warbaahinta ugu afka dheer oo hore u soo dhibaateysay dowladii Xasan Sheekh hogaaminayay, taasoo ku shaqeysa weerarada tooska ah ee madaxda iyo warbaahin kale, waxaa kaloo ku sugnaa wakiilada mid ka mida telefishanada Soomaalida.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo sii-haya wasiirka Warfaafinta, waxaana Farmaajo codsaday in lala shaqeeyo dowladiisa.

Wararka ayaa sheegaya in sababta qeybtan yar looga xushay warbaahinta Muqdisho inay tahay iyagoo ah qabqableyaasha saxaafadda ee caasimadda.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com