Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta la wareegtay bogga twitter-ka Madaxtooyada rasmiga ah ee Villa Somalia.
Farmaajo iyo kooxda la shaqeysa ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku shaqeynayay bog shaqsi ah oo Farmaajo leeyahay, kaasoo aan dad badan ku xirneyn, basle maalmihii ugu daneeyay ay ku soo biireen kumanaan qof.
Bogga rasmiga ah ee twitterka madaxtooyada ayaa waxaa ku xiran in ka badna Boqol kun oo qof, waxaana hadda sawiradii madaxweynihii hore lagu bedelay sawirada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo dhowr qoraal oo Farmaajo leeyahay lagula wadaagay dadka.
Arrintan ayaa hordhac u ah xil la wareegista madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu wado inay Villa Somalia ka dhacdo Arbacadda 15-ka Febraayo 2017.
Goobjooge.com