Dhaqdhaqaaq ka socda baraha bulshada ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuusan dabaaldeg u sameyn, dhaqaalena ku bixin sanadguurada koowaad ee markii la doortay oo ku beegan 8-da Febraayo.
Dhalinyaradda adeegsata bara ha bulshada ayaa bilaabay inay madaxweynaha ku waaniyaan inuusan kharash ku bixin xaflado dabaaldeg oo taas bedelkeed loo wareejiyo kharashka xafladaha lagu qaban lahaa taageerada dadka soo barakacay iyo dadka liita ee Soomaalida ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa loogu baaqay inuu raaco jidka madaxweynaha Tanzania John Magufuli ku caan baxay la-dirirka musuqa, isagoo markii uu xilka qabtay joojiyey xafladahii laga qaban jiray dalkaasi oo ay ku jiro maalintada xoriyadda.
“Madaxweynaha Tansaaniya Joon Magufuli wuxuu go’aamiyey in aan dalkiisa laga xuseyn maalinta xurriyadda Tansaaniya, sababtana wuxuu ku sheegay in ay dadkiisa la daalaa dhacayaan gaajo iyo cudurro. Qarashkii maalintaas lagu xusi jirayna wuxuu u weeciyey isbitaallo ay daruufo adagi ka jireen iyo hawlo danguud ah oo daruuri ah. Arrintaas uu Magufuli sameeyey waxaa ay soo jiidatay indhaha dunida oo dhan, gaar ahaanna qaaraddan maariinka ah ee Afrika. Haddaba, waxaan sugnaaba waa go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee xuska maalinta 8-dda Febraayo…” Sidan waxaa yiri Abuukar Albadri oo ka mida qorayaasha Soomaalida oo farriin u diray Madaxweyne Farmaajo.
Dhinaca kale Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) oo ka mida saaxiibada ugu dhow madaxweyne Farmaajo ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraal uu dadka ku weydiinayo sida ay la tahay in loo xuso 8-da Febraayo.
Dowlada Farmaajo iyo wasaaradaha xukuumadda ayaa ku caan baxay xaflado aan dhammaan iyo hoteelo kharash badan lagu bixiyo oo si joogto ah khudbado looga jeediyo, taasoo aan la socon karin xaaladda adag ee dhaqaale iyo digiinta laga soo saaray abaar ku soo fool leh dalka.
Madaxweyne Farmaajow Ma ku dayan doontaa John Magufuli-ga Tanzania…? (Farriin ku socota Farmaajo)