Ilaa 100 qof oo danyar ah oo ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ka faa’idaystay mashruucani indho fiiqista ah oo uu maalgeliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo kana bixiyay mushaarkiisa.
“Sida aad ogtihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadad Federaalka Soomaaliya wuxuu ku yimid rabitaanka shacabka,iyo in uu balanqaaday in uu wax u qabto,sida aad la socotaan waxaa socda maalmahan barnaamijyo isdaba joog ah oo bulshada lagu horumarinayo ,waxaa kamid ah tan oo jeebkiisa uu ka bixiyay lacagtan lagu daaweeyo dadkani oo aragga la’aa in muddo ah,balanqaadyadii uu sameeyey ayuu fuliyay,waxaan leenahay ajir allahakaasiiyo,umadda Soomaaliyeedna sidaasi ha isugu gargaarto”,Ayuu yiri Mudane C/qaadir Macalin Nuur.
Qaar kamid ah dadkii ka faa’idaystay mashruucani ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu mushaarkiisa ka bixiyay lacagta indhaha loogu fiiqay,iyagoo sheegay in ay u tahay fursada ay heleen maadaam aysan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha indhaha loogu fiiqay.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore wargeyska Alsharq Alawsat ee afrika carabiga uga soo baxa magaalada London u sheegay inuusan ogeyn mushaarka uu qaato, isla amrkaana aanay jirin wax mushaar ah oo la siiyo.