Madaxweeynaha Soomaaliya ayaa ogolaaday in maamul gaar ah oo leh xuquuq siyaasadeed uu yeesho Gobolka Banaadir.
Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax oo horena u soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii KMG ahaa ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhoweeyay dhismaha maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir kadib kulan ay la yeesheen siyaasiyiin kale iyo waxgarad kasoo jeeda Banaadir.
Wuxuu ku dooday in Gobolka Banaadir uu lam id noqon doono maamullada kale ee federaalka ee dalka ka dhisan si loo helo sinnaan iyo xuquuq siyaasadeed, taasina uu madaxweyne Farmaajo la qaatay.
“Waxaan rabnaa inMuqdisho ay xuquuq yeelato, dowladdana ay joogto, waxaan kala hadleynaa cid walbo oo ay quseyso arrintani.. madaxweynaha aad iyo aad ayuu usoo dhoweeyay oo maqaamkeeda ay yeelato..” ayuu yiri Muxudiin Xasan Afrax oo u warramay mid ka mida Idaacadaha Muqdisho.
Goobjooge