Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray Garoonka kubadda cagta ee Banaadir magaalada Muqdisho.
Farmaajo ayaa ka qeybgalaya bannaanbax lagu taageerayo xuska 100 maalmood ee markii uu talada la wareegay, waxaana si weyn loo adeeyay ammaanka garoonka iyo guud ahaan caasimadda Muqdisho.
Ciidamado dhowr ah ayuu salaan sharaf ka qaatay, waxaana goor dhow uu khudbad ka jeedin doonaa garoonka taasoo ku saabsan waxqabadka dowladiisa. Waxaa kaloo garoonka ku sugan Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kala duwan.
SAWIRRO