Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo muddo lagu xiray Wasaaradda Gaashanadhigga.
Warar laga helay Madaxtooyada ayaa sheegaya in Taliye cusub loo magacaabay Gaashaanle Axmed C/llaahi Beeryare oo ku xigeen u ahaa taliyaha hore, isla markaana lagu tababaray dalka Mareykanka. Waa Taliyihii lixaad ee Ciidamada Danab loo magacaabo muddo 7 sano ku dhow oo la dhisay ciidankani, waxayna ka mid noqdeen ciidamada sanad kasta la bedelo taliyeyaashooda.
Qorshaha xil ka qaadista Ismaaciil Cabdimaalik ayuu Madaxweyne Farmaajo damacsanaa ilaa hortaantii bishii Ogost, laakiin waxaa ka hor yimid Mareykanka oo cidiamada Danab gacanta ku haya, isla mrkaana bixiya tababarkooda, saadkooda iyo mushaarkooda, markii laga war helay in xilkaasi loo magacaabayo qof aan milateri ahayn oo u dhow Madaxweyne Farmaajo.
Taliyaha Cusub ee Guutada 16 aad Kumandooska Danab Gashanle Axmed Cabdilaahi nuur (Beeryare) ayaa hore uga ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB. Wuxuu soo qabtay taliyaha Saadka xillifaas oo Mareykanku ciidamada si weyn ugu eedeeyay inuu howlgallo aan jirin iyo musuqmaasuq baahsan.

Wuxuu sanadkii 2013 ka mid noqday ciidankii dib lagu asaasay ciidan ka kumandooska Danab, isagoo kasoo noqday taliye Koox, Taliye Hurin, Taliye Saadka, waxa uu tababar ciidan ku soo qaatay dalalka Uganda, Itoobiya, Turkiga iyo Maraykanka.