Kadib markii toddobaadyo gudahood ay dhacday xil wareejin taariikshi ah, waxay rajo ka muuqatay wadooyinka Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya xilli uu madaxweynaha cusub Maxamed C/llaahi Farmaajo bilaabay hogaaminta Soomaaliya.
Shaqaalaha dowladda ayaa filaya in la siiyo mushaarkii ka maqnaa. Dadka waxay qabaan rajo in dalku dib u dhismi doono, ciidamada AMISOM-na waxay waxay rajeynayaan in shaqadooda ay soo dhammaan doonto.
Ergeyga Q/Midoobay ee Soomalaiya Micaheal Keating ayaa sheegay in doorashada ay rajo weyn gelisay dadka Soomaaliyeed, ayna ahayd tallaabo taariikhi ah, laakiin wuxuu ka digay arrimaha ka dhalan kara abaarta ka jirta Soomaaliya.
“Haddii dowladda cusub ku fashilanto inay isku xirto gargaarka, kana jawaabto abaarta, waxay wajihi doontaa dhibaatooyin adag” ayuu yiri Micheal Keating oo intaas ku daray in shaqada ugu horeysa ee dowladda cusub ay tahay xaaladda ka dhalatay abaaraha.
“Haddii ay jawaabta ku haboon qaadan weyso, waxaa dhaawac soo gaari doonaa sharciyadeeda iyo shacbiyadda ay heysto..” ayuu yiri wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya oo laga soo xigtay in madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay howsha ugu weyn inay tahay gurmadka abaaraha.
Isha: news.vice