Wednesday, August 6, 2025

Madaxweyne Farmajo oo kulan labaad Asmara kula yeeshay Guddoomiyaha ONLF

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ee dalka Eretria markii labaad kula kulmay guddoomiyaha ururka ONLF Maxamed Cumar Cusmaan.

Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha kala hadlay sidii ONLF ay uga qeyb qaadan lahayd dadaalka loogu jiro nabadda iyo hormarka, wuxuuna intaas ku daray Madaxweynuhu in la joogo waqtigii nabadda la dhiirigalin lahaa lagana gudbi lahaa colaadda iyo khilaafka muddada ka jiray gobolka,sida ay baahisay Madaxtooyada.

Farmaajo ayaa kula dardaarmay Admiral Cumar in ONLF qaadato door horumarineed oo xoojinaya dadaallada loogu jiro xaqiijinta nabadda, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo wax kasta oo horumar u ah dadka Soomaaliyeed.

Masuuyliyiin ka mida wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan Asmara ayaa waxa ay sheegeen in kulanka uu ahaa mid muhiim ah oo sidoo kale diiradda lagu saaray isbadallada ka socda Geeska Afrika.

30-kii bishii July ee sanadkan ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Admiral Maxamed Cumar kulankii ugu horreeyay ku yeesheen isla magaalada Asmara.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON