Friday, June 27, 2025

Madaxweyne Gaas oo dadka Puntland u sharxday sababtii keentay inuu aqbalo 4.5

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa Telefishanka Puntland kala hadlay dadka Puntland  isagoo si toos ah u fariistay Studiyha Telefishanka, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay heshiiskii ay ku ogolaadeen in 4.5 lagu dhiso Baarlamaanka dowladda cusub ee Soomaaliya.

C/weli Gaas ayaa ku tilmaamay go’aankaasi inuu ahaa mid ku yimid kala doorasho saddex arrimood oo kala darran, ayna isla qaateen, go;aankii ugu danbeeyay ee ay u arkeen inay dan ugu jirto Puntland iyo Soomaaliya.

Saddexda darran ee ay kala doorteen wuxuu C/weli Gaas ku sheegay inay yihiin arrimaha soo socda:

  1. In aan Soomaaliya ka go’no , taasina waxay ka hor imaanaysaa ujeedadii iyo hadafkii loo dhisay Puntland. Wax maslaxad Puntland iyo mid Soomaaaliyeed ay ku jirtana maaha, kala go’ cusubi wuxuu wiiqayaa meeshana ka saarayaa dawladnimadii iyo jiritaankii Soomaaaliya.
  2. In afarta sano ee soo socota aan ka harno geeddi socodka doorashooyinka, masiirka Puntland-na ay la wareegaan cid aan ehel u ahayn. Sidoo kale arrintani waxay abuuri kartay jahwareer iyo walaahow siyaasadeed Puntland gudaheeda iyo Soomaaaliya dhexdeeda.
  3. Inaan galno heshiis u qalma Puntland kuna qotoma miisaankeeda siyaasadeed iyo doorkii ay ku lahayd hogaaaminta Soomaaliya.

“Aniga iyo guddigii aan arrintan u xil saaray waxaan qaadanay oon isla garanay in maslaxadda Puntland iyo Soomaaliya ay ku jirto in aan qaadano qodobka saddexaad”.

Madaxweyne Gaas ayaa qiray in Puntland aysan Soomaaliya inteeda kale ka go’i karin, sidaa darteedna ay muhiim noqotay heshiiska la gaaray, waxa ay ka heleena ay tahay in beesha caalamka aqoonsadeen kaalinta Puntland kaga jirto Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON