Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne inkiray jiritaanka Coronavirus oo shaaciyey in laga helay Cudurkii

Madaxweynaha midigta fog ee dalka Brazil ninka lagu magacaabo oo ahaa mas’uulka ugu darran ee inkiray inuu jiro cudurka Coronavirus ayaa shaaciyey in laga helay.

Madaxweynahan ayaa si weyn uga hor yimid jiritaanka cudurka Covid-19, wuxuuna marar badan hoggaamiyey mudaaharaadyo looga horjeedo falalka looga hortegayo cudurka, isagoo lagu eedeeyo inuu mas’uul ka ahaasida cudurka ugu fiday dalkaasi.

Jair Bolsonaro ayaa lagu arkay calaamadaha Cudurka Coronavirus, sida qandho iyo qufac, waxaana kulkiisa oo aad u sarreeyay baaritaan lagu sameeyay lagu xaqiijiyey inuu qabo cudurka, wuxuuna wareysi uu siiyey TV ku shegay in laga helay cudurka, haddan uu qaadanayo daawada hydroxychloroquine ee Malaariyada loogu talogalay.

Markii uu dhammaaday wareysiga ayuu dib u baxay wuxuuna sameeyay dhoola-caddeyn, isagoo leh: “Wejigeya ayaad ka arki krtaan inaan fiicanahay oo xaaladeydu degan tahay”.

Coronavirus ayaa dalka Brazil ku dilay 65,000 qof, waxana qaba in ka badan 1.6 Milyan oo qof., waana dalka labaad ee dunida ugu badan dadka qaba udurka iyo kuwa u dhintay, waxaana kaliya oo ka horeeya Mareyanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON