Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa la xaqiijiyay inuu ka qeyb galayo shirka arrimaha Soomaaliya ee ka dhici doona magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Kulan ay Kampala ku yeesheen madaxweynaha Uganda iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska Boris Johanson ayaa lagu casuumay madaxweynaha Uganda oo aqbalay ka qey galka shirkaasi.
Madaxweynaha Uganda oo ka baaqsaday caleemo saarkii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, isla markaana aan wax wafdi ah u soo dirsan ayaa ogolaaday caasumadda UK, isagoo u socdaali doona magaalada London horaanka Bisha May ee sanadan 2017.
Xoghayaha Arrimaha dibadda UK ayaa bogaadiyay kaalinta Uganda AMISOM, wuxuuna ka sheegay Guriga madaxtooyada ee Enteppe inuu Muqdisho kusoo arkay ciidamo Ugandes ah oo qeyb ka ah ciidamada ku sugan Soomaaliya.
Shirka London ayaa anbaqaad u ah shirweyne xaaladda Soomaaliya looga hadlay oo sanadkii 2013 ka dhacay London.
Goobjooge.com